Caabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ciidankii ugu horreeyey ku wareejiyay taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigiisu uu yahay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Caabudwaaq Khaliif Cabdisamad Cali ayaa Warbaahinta u sheegay in uu ciidanka yahay mid uu maamulku ka qoray Caabudwaaq iyo deegaannada hoos taga.
Khaliif ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid ay kor ugu qaadayaan tayada ciidamada qalabka sida, waxaana Dhuusamarreeb loo geeyay si ay tababarro ugu qaataan.
Taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa hoggaamin jiray ciidamada xoogga ee gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana dhowr iyo labaatan sano kaddib dib u furay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka jeneraal Cabdirisaaq Kaliif Cilmi oo dhowaan booqday magaalada Dhuusamarreeb.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com