Odayaal , Waxgarad, Aqaonyahanno , Siyaasiyiin , Haween iyo Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha reer Shabelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Cabasho xoogan ka muujiyeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmeen Xubinimadooda Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaana Beeshu sheegtay in Xubno Siyaasiyiin ay duudsiinayaan Xuquuqdii ay ku lahaayeen Talada Qaranka.
Waxgaradka Beesha Reer Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in Cabashadooda ay saameyn ku leedahay ayna taabaneyso ugu yaraan 9 Beelood oo ka tirsan Beelaha Reer Shabelle.
Colaad Cabdi Cumar oo ku hadlay Afka Beelaha kulankaan isugu yimid ayaa waxa uu tilmaamay in ay jiraan Shaqsiyaad boobaya xuquuqdii Beelahaas ay ku lahaayeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Colaad Cabdi Cumar ayaa ka digay colaad ka dhex aloosanta Beelahaan walaalaha haddii aan si Cadaalad ah wax loogu qeybin islamarkaana aan laga deynin Xaq duudsiinta.
“ Guddiga Doorashooyinka waxaan iyagana ugu baaqayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan Xildhibaanada ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe sida ay Beelaha u kala helayaan haddii ay Cadaaladda Waafaqsantahay” ayuu yiri Colaad Cabdi Cumar.
Inta badan Siyaasiyiinta Xil doonka ah ayaa majaxaabiya Rabitaanka Beelaha Soomaaliyeed oo cabashooyinkooda maalmihii dambe isi soo tarayay.