TOP DHAGEYSO:- Maxay ka qaban karaan Maamulka cusub Xaalada amni daro ee ka jirta Hiiraan ?

0

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo shalay kulan la qaatay saraakiisha amniga ayaa baaq u diray shacabka reer Hiiraan.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay shacabka iyo saraakiisha amniga in ay isla shaqeeyaan si looga hortago weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.

Cali Jeyte Cusmaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay hadii ay yihiin Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan in ay wax badan ka qaban doonaan xaalada amni daro ee ka jirta Gobolka Hiiraan.

Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii weerar ay Mas’uuliyadiisa sheegteen Shabaab lagu qaaday saldhig Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

HALKAAN KA DHAGEYSO