Dadka reer Ceel-Baraf oo Codsaday in Lala Soo Gaaro Biyo Nadiif ah

0

Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM) ayaa Arbacadi ugu baaqay Hey’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa aan dowliga aheynba in ay biyo nadiif ah lasoo gaaraan tuulada Ceelbaraf ee gobolka Shabellaha Dhexe oo ay dhawaan laga saaray Al Shabab.

Taliyaha ciidanka AMISOM Col. Jean Pierre Hakizimana ayaa u sheegay wariyaasha in ay codsanayaan in deegaanka lala soo gaaro biyo nadiif ah, xilli buu yiri ay ciidanka AMISOM xooga saarayaan sugida amniga iyo furitaanka wadooyin isku xira qeybaha kale ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Ceelbaraf Musa Sharwey Gaaboow oo isna la hadlay wariyaasha ayaa ka codsaday Soomaalida qurbajoogta ah ee kasoo jeedda deegaanka Ceelbaraf in ay gargaar usoo gurmadaan deegaanka.

Ceel-Baraf ayaa ah tuulo istaraatiiji ah oo ku taala gobolka Shabeelaha Dhexe. Waxay 150-km u jirtaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.