Qaramada Midoobay oo gacan ka geysatay soo daynta Caruur Nigerian ah

0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sanadkii hore gacan ka geysatay sii deynta ku dhawaad 900 oo carruur ah, kuwaas oo ay gacanta ku hayeen ciidammada nabadgelyada Nigeria.

Waxaa carruurtaasi lagu hayey xeryo milaterigu ku leeyihiin magaalada Maiduguri ee ku taal waqooyi bari Nigeria, halkaasi oo lagu baadho dadka looga shakisan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Boko Xaraam.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in carruuntaasi ay ka mid ahaayeen kumaan qof milatarigu ka soo furteen goobahaa ay ganta ku hayaan mitidiinta Islaamintiita ahi.

Laakiin isla markii ciidanku soo furteen ba hadana waxa xidhay xoogaga nabad gelyada oo dakda ay qabtaan ka baadha taageerayaasha dagaalyahannada Boko Xaraam halkaas oo dad bandanna ay isla markiiba sii daayaan halka ay kuwo kalena u xidhnaadaan bilo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bishii Sebtember ay ciidamada nabad gelyadu sii daayeen in ka badan afar boqol oo caruur ah oo ay xabsiga ku hayeen.

Saraakiisha Nigeria ayaa defaacay sidan ay wax u wadaan ciidamada nabadgelyadu, waxaanay sheegeen in dadkaa la xidho laga shakisanyahay in ay duufsadeen Boko Xaraamtu markii ay gacanta ku hayeen goobaha dadkaasi deganyihiin.

Mitidiinta islaamiyiinta ah ayaa iyaguna badanaa caruurta ku qasba in ay u dagaalamaan, oo gabdhahana yaryarna waxay ku dirqiyaan inay is qarxiyaan. Laakiin kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa iyaguna sheegaya in ay waajib tahay in la garowsado in caruurta qudhoodu yihiin dhibbaneyaal colaaddu saameysay oo aan la xidhin bal se ay tahay in ay helaan taageero maskaxeed oo lagaga daweynayo dhibta maskaxda iyo jidhkoodaba soo gaaray.

Xigasho BBC