Wararka aan ka heleyno Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Cabdullahi Shardi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labada ciidan ay weli yihiin kuwo is horfadhiya waxa uuna carab dhabay inuu jiro dhaqdhaqaaq millitery oo labada dhinac ah.
Waxa uu sheegay Cabdullaahi Shardi in labada ciidan ay sugayaan keliya inay rasaas dhacdo, waxa uuna tilmaamay inay jirto cabsi lixaad leh maadaama labada ciidan aan la kala qaadin.
Ciidanka dowladda Puntland iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa dhufeysyo hor leh ka sameystay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.