War goor dhow naga soo gaar deegaanka Bariire ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maliishiyo ka tirsan beesha Biyamaal ay dab qabadsiiyeen beer aad u weyn oo ay ka baxayeen geed miroodka, kuna taal inta u dhaxaysa Lambar 50 iyo Bariire.
Beertaasi ayaa waxaa iska leh Xuseen Xasan Diiriye oo kasoo jeeda beesha Habar Gidir, waxayna maliishiyada gubtay beertaasi ay sidoo kale jarjareen geed miroodyadii ku yiil. Maliishiyada Biyamaal ayaa u yeertay ciidamada AMISOM iyagoo ganacsadaha beerta iska leh ay ku tilmaameen inuu yahay AlShabaab, sidaasina AMISOM kusoo gaartay beerta, kadibna dab la qabadsiiyo.
“AMISOM, ma ahan inay dhexda ugu soo dhacdo dagaalka u dhaxeeya labo beelood oo gobolka wada dega, waa ayaandaro in ciidamada AMISOM lagu maran habaabiyo wax aan jirin loona adeegsado xasuuqa iyo baabi’inta hantida shacabka” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada gobolka Shabeelaha Hoose oo nala soo xiriiray.
Labo maalin ka hor ayaa maliishiyada beesha Biyomaal ay weerar kusoo qaadeen islaN deegaankaan, waxayna halkaasi ku dileen nin iyo naag, waxayna gubeen makiinada loo yaqaan Baldooska.
Dagaalka u dhaxeeya Beesha Biyamaal iyo Habar Gidir ayaa gaaray xiligan meel xun oo mareysa in la isku gubo hanrida ma guurtada.