Wararka laga helayo Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maraakiib Dagaal oo ku sugan Xeebaha Gobolkaasi ay Duqeymo xoogan la dhaceen halkaasi.
Duqeyntan ayaa lagu beegsaday sida la sheegayo xubno ka tirsan Ururka Daacish oo ku sugan qeybo ka mid ah Degmada Qandala.
Degmada Qandala ayaa dhawaan waxaa la wareegy Xubno ka tirsan Ururka Daacish, inkastoo wararka ay sheegayeen in ay halkaasi isaga baxeen.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Duqeyntaasi.