Iyadoo lix maalmood ay ka harsan tahay waqtiga lagu wado in dadweynaha Mareykanka u dareeraan doorashada Madaxweynaha bedelaya Barack Obama ayaa waxaa Musharaxiinta Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ay ku guda jiraan ololahooda u dambeeyay.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ololihiisa ugu dambeeyay ka wada Wisconsin, halkaasoo taageerayaashiisa kula hadlay.
Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ms Hillary Clinton inay sameysay qiyaano qaran, kaddib markii dhowaan ay FBI soo bandhigtay farriimo hor leh oo ku saabsan Email-keeda gaarka ahaa.
Mr Trump ayaa ugu baaqay dadka taageera Xisbiga Dimoqraadiga in aysan taageerin oo aanay codkooda siin Hillary Clinton.
Sidoo kale Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton ayaa taageerayaal fara badan kula hadashay Gobolka Florida, waxaana ay ka codsatay inay codkooda siiyaan.
Ms Hillary Clinton ayaa ku eedeysay Donald Trump hab dhaqankiisa ka dhanka ah Haweenka Mareykanka iyo bahdilaada iyo aflagaadada uu kula kacayo.
Labada Musharax ayaa wada diyaar garowgoodii u dambeysay, iyadoo maalmaha soo socda ay tagi doonaan gobolo kale, si ay dadweynaha uga dalbadaan inay codkooda siiyaan.
8-da bisha November ayaa lagu wadaa inay dalka Mareykanka ka dhacdo doorashada Madaxweynaha, waxaana markii u horeysay taariikhda Mareykanka Haweeney u tartami doontaa Jagada Madaxweynaha.