Doorashada sanadkan 2016 ayaa si weyn uga duwan tii 2012, waxaana si aan qarsooneyn u muuqata farogelin dalal shisheeye ay ku hayaan, kuwaas oo dano kala duwan ka leh arrimaha Soomaaliya.
War ay heshay Shabakada Warbaahinta Allgalgaduud ayaa xaqiijinaya in musharaxa Itoobiya sanadkan ay taageereyso uu yahay Madaxweynaha hadda xilku ka dhamaadey oo doonaya in mar kale la doorto Xasan Sheekh Maxamuud. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu booqdey Itoobiya ayuu sheegay in xiriirka Kenya iyo Jabuuti kala dhexeeya uu yahay mid aan taarikh fog lahayn marka la eego tan Itoobiya oo gaareysa Qarniyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqdey Madaxweynihii u horeeyey ee booqda meel kamid ah dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya isaga oo ku tegay booqasho rasmi ah Jig-jiga.
Itoobiya ayaa isu aragta dalka ugu mudan ee wax laga weydiin karo arrimaha Soomaaliya ama loo daba fariisan karo, waxaana maalmihii u danbeeyey ay ciyaareysey siyaasad la xiriirta doorashada Soomaaliya iyo natiijada ka imaan karta iyada oo cidiankeeda kala baxaysey qaybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya, taas oo ay markiiba la wareegayeen al-Shabaab taas oo caalamka u muujin karta awooda Itoobiya ee joogitaanka Soomaaliya iyo taagdarada ciidanka Soomaaliya.
Kadib markii Dalka Imaaraadka Carabtu ay casumeen Madaxda Dowlad goboleedyada oo awood ku leh doorashada sanadkan ayaa isla maalintii Axadda waxaa Itoobiya u duuley Madaxweyne Xasasn Shiikh safarkaas oo ahaa mid aan la sheegin oo aan laga hadlin soo noqoshadiisa, waxaana uu salka ku hayey doorashada iyo tageerada aan kala harka lahayn ee Itoobiya u ballan qaadey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh maxamuud ayaa u arka dib u dhackasta oo doorashada ku yimaada tan iyo bishii Agoosto in ay sii yareyneyso fursadda uu haysto in uu mar kale noqdo Madaxweyne, waxaana hadda garabkiisa ka baxay Dowladu uu isku haleynaayey markii hore, taas oo kaliftey in uu isu dhiibo Itoobiya.