Iyadoo wadahadal hoos uu u socday Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo Maamulka Galmudud ayaa hadana waxaa soo baxay gacan 3-aad oo u muuqata mid dhibaato ah ku ah wada hadaladaasi.
Wada hadalka labada dhinac ayaa waxaa wada Waxgarad ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya, sida uu Idaacadda Shabelle u sheegay Wasiir ku xigeenka howlaha Guud Guryeynta iyo Dib u dhiska ee Maamulka Galmudug, Sheekh Maxamed Ilka-Case
Wasiir Maxamed Ilka-Case ayaa waxuu tilmaamay in gacantaasi 3-aad ay keeni karto in wax miro dhal ah uusan ka soo baxin wadahadalka u dhaxeeyay labada dhinac.
Sikastaba, dhowr jeer oo hore ayaa waxaa fashilmay wada hadalo la isugu soo dhaweynayay Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna, kuwaasi oo isku haya Degaano ka tirsan Gobolada Dhexe.