Wararka naga soo gaaraya Iskooska Sayid ee u dhaw Xarunta Baarlamaanka Xildhibaanada Soomaaliya ay ku shiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu qaraxgan ka dhacay.
Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday goor dhow kolonyo gaadiid ah oo ay saaran yihiin ciidamo, weerarkan ayaa la sheegay in uu ahaa mid baabuur lagu soo raray waxyaalaha qarxa uu isku qarxiyay kolonyadan.
Kolonyada la weeraray ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ciidamo Soomaali ah, hase yeeshee lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah.