Wararka inaga soo Gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xiligaan uu taagan yahay isqab qabsi ku aadan soo xulista Xubnaha Aqalka hoose umeteli doono Maamulka Jubbaland kuwaas oo kamid noqon doono Baarlamaanka Somaaliya.
Is qabqabsigaan ayaa Toos ugu dhaxeeya ergada Beelaha wax dooranaya iyo Guddiyada Doorashada, waxaana Beelaha is haya ay hadda Gaarayaan ilaa Lix Beel oo wali Muujinaya Saluug hanaanka Wax Doorashada.
Nabadoon Maxamed Cali Axmed oo kamid ah Odayaasha qaybta ka ah kuwa wax soo Dooranaya oo waraysi Gaar ah siiyay Radio Daljir aya sheegay in khilaafku uu yahay mid sii xoogeysanayay islamarkaana beelo kale uu saameyay khilaafkaas.
Sidoo kale Nabadoonka waxa uu Tafaasiil ka Bixiyay dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo taasi oo ahayd labo Oday dhaqameed in ay is tooreyeen isla markaana mid kamid ah uu geeriyooday Isla Shalay Halka Midka kalana Maanta uu Geeriyooday.
Nabadoon Maxamed Cali Axmed waxa uu Arimahaasi oo idil uga waramay Cumar Laki Man oo ku sugan Warqabadka Allgalgaduud Media ee Magaalada Caabudwaaq.