Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegay iney adkeynayaan amaanka musharixiinta sanadkaan u tartameyso xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay in musharixiinta qaar u imaan waayeen magaalada Muqdisho arimo amaankooda la xiriira ayaa sheegay ineysan helin ilaa iyo hadda warbixin ku saabsan musharax amni la’aan darteed u imaan waayay magaalada Muqdisho.
Dowlada Soomaaliya ayuu tilmaamay inuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaysa, maadaama doorashada ugu dambeysa ay ka dhaceyso caasimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan wuxuu sidoo kale sheegay in mushariinta aysan wali u gudbin baqdin amaan oo ay qabaan, laakiin wuxuu sheegay iney tagi karaan gobolada dalka meesha ay doonaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-