Waxaa Qarax xoogan Magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Minshiibiyada ee Canshuura Aruuriya.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaanno Cirtoogte ee ka tirsan degmada Hodan Gobolka Banaadir.
Lama oga khasaaraha Qaraxaasi ,iyadoona aanu weli wax war ah ka soo saarin maamulka iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Hodan.
Qaraxa oo nuuciisa ay warar kala duwan ka soo baxayaan ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ahaa Bam Gacmeed.