Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Somalia ayaa ka hadlay qorshooyinkiisa iyo kan Madaxweynaha Somalia.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sheegay in qof waliba uu leeyahay hami isaga u gaar ah, balse lagu kala duwan yahay nasiibka waxa uuna carab dhabay in Madxaweynaha Somalia uusan aaminsaneyn nasiibka.
Sharmaarke waxa uu sheegay in muhiimadu ay tahay in musharax waliba uu naftiisa ku kalsoonaado, waxa uuna nasiib darro taagan ku sheegay in leyska daba shaqeeyo iyadoo hadana laga wada siman yahay Hanka Siyaasadeed.
Madaxweyne Xassan iyo isaga ayuu sheegay inay qeyb ka yihiin mas’uuliyiinta uu wakhtiga ka dhamaaday, waxa uuna carabka ku dhuftay inay u siman yihiin ololaha socda balse laga wacan yahay in leyska daba shaqeeyo.
Sharmaarke Isagoo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland kula hadlaayay tirro Siyaasiyiin ka tirsan maamulka ayuu sheegay in muhiimadu ay tahay inaan la dooran shaqsi isaga un wax isla doonaaya.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa olola xoogan kula jira Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh oo waayadaani danbe kala dhexeysay xurguf Siyaasadeed.
Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo inta badan dadku ay yihiin kuwa hadal haya qorshihii Sharmaarke ee magaalada Abu Dabai.