Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhibaatooyin badan in ay heystaan dadkii ka soo barakacay Deegaanada Shabaab ay ka heystaan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha dadkaasi in ay dhibaatooyin fara badana ay ku hayeen Shabaab, islamarkaana ay go’aan sadeen in ay ka soo barakacaan Deegaanada ay maamulaan.
Ibraahim Aadan Cali (Najax) Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose in uu ku dadaalayo sidii dadkaasi uu u bad baadin lahaa.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay Deegaanada ay Maamulaan Shabaab ee soo gaaray Deegaanada ay joogaan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha ayaa dalbaday in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro.
HALKAAN KA DHAGEYSO