FBI-da Dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay 4 Dhalinyaro oo Soomaali-Mareykan ah, kadib markii lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
Dhalinyaradan ayaa la qabtay xilli ay qorsheynayeen in ay lacago u soo diri rabeen Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, waxaana lacagtaas lagu sheegay tiradeeda in ay gaareyso 10,000 oo Dollar.
Magacyada Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin Saciid Macalim, Ciise Doreh, Axmed Naasir Tahliil, iyo Maxamed Maxamuud oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaalla xaafada City Heights.
Dhalinayaradan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dhowr jeer oo hore lacago fara badan u direen Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ee Dagaalka adag kula jira Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka ka socda Dowladaha garabka siiya Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay FBI-da Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu sameynayo Dhalinyaradan iyo hadii ay jiraan Rag kale oo xiriir la leh Dhalinayaradan.
Inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ayaa lagu eedeeyaa in ay geystaan falal la xiriira amni darada iyo in ay lacago u diraan Al-shabaab.
Hoos ka Dhageyso Codka:-