Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in wabiga magaaladaasi laga helay Maydka nin jeebbadeysan.
Maydka ayaa waxaa markii dambe loo aqoonsaday inuu yahay 28 sano jir lagu magacaabo Abbas Mohamed Abubakar, kaas oo la sheegay in ay kaxeysteen booliska magaalada Mandheera xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in Abbas Mohamed Abubakar oo ah wiil soomali ah uu ka ganacsan jiray hubka noocyadii kala duwan.
Qaar kamid ah qoyskiisa ayaa sheegay in Ciidamada Booliska iyo Abbas Mohamed Abubakar oo wada socda maalin ka hor ay yimaadeen hoyga uu ka dagan yahay Mandheere islamarkaana ay booliska ka codsadeen in uu tusiyo meelaha uu ka qariyo qoryaha.
Dhanka kale Guddoomiyaha amaanka Mandera Fredrick Shisia oo ka hadlay dhacdada, ayaa sheegay inuusan xaqiijin karin maydka in uu yahay Abubakar, isagoo intaa ku daray in ay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo haddii jeebbada ay leeyihiin booliska.