Madaxwaynaha Maamulka Galgaduud Sare oo lasoo xiriiray Warqabadka Allgalgaduud Media ee Gobollada Dhexe ayaa ka hadlay Arimo dhowr ah oo ku saabsan Marxaladaha ay wajahaan Shacabka Dega Deegaanada waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Xasan Gacaliye ayaa sheegay in uu Muddooyinkii dambe la aamusnaa Tiiraanyo uu ka qaaday Dagaalkii dhawaan ka dhacay Caabuudwaaq isagoona sheegay inuu aad uga xun yahay waxa ka taagan Guud ahaan Deedaanada Waqooyiga Galgaduud.
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa soo hadal qaaday Arimaha Waxyaabaha ka socda Magaalada Cadaado waxaana uu sheegay inuu Bogaadinayo Odayaasha Beesha Sade oo uu sheegay in ay hadda garteen sida uu hadalka uyiri Hagardaamada kasocota Cadaado, isagoona intaasi ku daray in loo baahan yahay in odayaashu ay qaataan Goaan Midaysan una soo jeestaan Hormarinta Deegaankooda.