Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug duhurnimadii maanta waxaa ka bilaabatay wajigii Labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose, iyadoo isla maanta la soo gaba gabeeyay.
Cadaado maanta waxaa lagu doortay Labo kursi oo kaliya, oo mid ka mid ah kuraastaasi ay ku tartamayeen Labo Haween ah, sida ay horey u sheegeen Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmdug.
Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleysatay Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay tanaasushay Haweeneydii la tartameysay, waxaana ay ku soo baxday qaab gacan taag ah.
Kursiga Labaad ee Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guuleystay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) oo ay la tartameyeen Saddex xubnood oo kale, waxaana uu keensaday 29 cod.