WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo sheegtay Dilalkii ugu dambeeyay ee Xamar ka dhacay

0

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa  lagu weeraray Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir .

Mid ka mid ah Askartaasi ayaa dhintay , halka mid kalena uu soo gaaray dhaawac .

Sidoo kale shalay Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed , waxaana kooxihii dilay askarigiisa ay horay uga sii qaateen qorigii uu watay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilalka loo geystay Askartaasi  , islamarkaana ay ka qaateen qoryihii ay wateen.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada goobaha ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya.