WAR DEG DEG:- Gaas iyo Guuleed oo loo Hanjabay

0

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Mcheal Keating ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay adkeeyaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug.

“Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kariin Xuseem Guuleed Madaxweynaha Galmudug waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Mcheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtami doono dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 6 dii isbuucii ee lasoo dhaafay, dagaaladaasi oo ku dhinteen tiro ka badan 45 qof.

Danjire Mcheal Keating ayaa uga digay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay hareermaraan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Qaranka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta”  Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.

Dagaaladii  6dii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 45 qof , waxaana sidoo kale ku barakacay 90,000 oo qof , kuwaa soo hada ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Puntland iyo Galmudug ayaa jabiyay heshiisyo badan oo kusaabsana colaada Magaalada Gaalkacyo , waxaana hada beesha Caalamku ay walaac ka muujinaysa kalsoonida lagu qabikaro in uu hirgalo heshiisgii Qaramada Midoobey ay garwadeenka ka aheyd ee Sabtigii ka dhacay Gaalkacyo.