Is rasaaseyn xoog leh ayaa goor dhow ka bilaabatay xarunta ay ka dhaceysay doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.
Is rasaaseyntan ayaa timid ka dib markii uu buuq ka dhashay doorashada Aqalka Hoose oo Kursiga Gugundhabe, gaar ahaan Jufada Jidle ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.
Doorashada oo caawa fiidkii bilaabatay ayaa buuq iyo gacan ka hadal ka dhashay, ka dib markii uu soo gaba gaboobay wareegii hore ee codeynta.
Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuur iyo Labo Musharax oo kale.
Wareega hore ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale uu helay 24 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.
Intaas ka dib ayaa loo baahday wareeg labaad, si ay u kala baxaan labada Musharax ee ugu codka badnaa, waxaana kadib goobta ka dhacday buuq iyo gacan ka hadal.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Dhalinyarada uu ka baxay hoolka doorashada, kaddib markii uu ogaaday in hadii uu Tartami lahaa laga adkaanayo, taasoo keentay in buuq iyo gacan ka hadal uu dhaco, waxaana kaddib la damiyay Korontada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay u dhaxeyso Ilaalada Wasiirka Dhalinyarada iyo Ilaalada Musharaxa kale ee la tartamayay.