Madaxweynaha Galmudug oo Saakay booqanaya deegaano ka tirsan Gobolka..

0

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu Saaka Booqanayo Ciidamada Difaaca Dowladda Galmudug ee ku sugan Bariga Gobolka Mudug.

Ujeedka Madaxweynaha Galmudug uu u booqanayo Ciidamada Jooga Bariga Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in ay tahay in Ciidamada uu kala hadlo Heshiiskii Galmudug iyo Puntland ay wada gaareen islamarkaana uu Ciidanka u sheegi doono in ay Illaaliyaan Heshiiska iyo Nabada Galyada Gobolka Mudug.

Shalay Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu kala qaaday Ciidamada Labada Maamul ee isku hor fadhiyay Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxeynaha Galmudug ayaa Wararku ay sheegayaan inuu booqan doono Degaano ka tirsan Galmudug oo hadda Abaar adag laga soo sheegayo.