Xilliga dib loo bilaabayo doorashada Aqalka Hoose ee HirShabeelle oo la shaaciyay iyo Ciidamo AMISOM oo lagu Wareejiyay Hoolka doorashada

0

Gudiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay waqtiga dib loo bilaabayo doorashada xubnaha aqalka hoose oo hakad uu ku yimid  kadib israsaaseyntii ka dhacday magaalada Jowhar.

Gudiga doorashada heer maamul goboled ayaa sheegay in maalinta arbacada ee soo socoto dib loo bilaabi doono doorashada xubnaha aqalka Hoose ee maamulka HirShabeele.

Gudiga ayaa sheegay iney ku howlanayeen xalinta gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar, laakiin ma aysan sheegin sida laga yeeli doono musharixiintii dartood loogu dagaalamay magaalada Jowhar.

Sidoo kale gudiga ayaa sheegay iney ka feejigan yihiin in markale qalalaaso soo wajahaan doorashada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ka dhaceyso.

Sida qorshaha uu yahay waxaa la filayaa in hoolka lagu wareejiyo ciidamo ka socdo dalka Burundi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Habeen hore waxaa shacabka magaalada Jowhar ay dareemeen qalqal amaan kadib dagaal ka dhacay hoolka shirarka ee Jowhar.