Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa la kulmay Guddiyada Galmudug iyo Puntland ugu Xil saaran Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay Xaqiijinta Xabad Joojintii ay wada gaareen Galmudug iyo Puntland iyo sidii loo Kormeeri lahaa Goobihii Dhawaan lagu kala qaaday Ciidamada Labada Maamul.
Wafdiga ka socday IGAD ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo la keenayo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ka shaqeyn doona Nabad Galyada Magaalada,waxaana sidoo kale Wafdiga IGAD ay sheegeen in ay dhankooda qeyb ka qaadan doonaan Nabadda Gobolka Mudug.
Wakiilka IGAD ay u Xilsaartay Colaadda Gaalkacyo Axmed Qalinle ayaa sheegay in IGAD ay la shaqeyn doonto Guddiyada Nabadeeynta Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Hoos ka Dhageyso Codka:-