XOG CUSUB:- Tirada ciidamada Nigeria ee ka qeyb galaya doorashada Somalia oo la shaaciyay

0

Waxaa lagu wadaa in 140 Askari oo Nigerian ah ay ku biiraan Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee loo diyaariyay xaqiijinta amniga Goobaha la filaayo inay ka dhacaan dooashada.

Ciidamadaani Nigerian­ka ah oo tababar siinayey Ciiddanka Boliska Somalia ayaa aqbalay inay ka qeybqaatan sugidda Ammaanka Doorashooyinka.

G/sare Joseph Kibet oo ah Afhayeenka AMISOM, ayaa Wargeyska The Nation u xaqiijiyay in 140 Askari ee Nigerian­ka ah aan looga maarmin ku biirida ciidamada AMISOM ee loo diyaariyay sugida amniga goobaha Doorashooyinka.

Joseph Kibet, waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay xooga saari doonaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho, si maleeshiyaadka Al­shabaab dhagartooda looga badbaado.

Waxa uu rajo ka muujiyay in Ciidamada Dowlada ay ka heli doonaan Garab wanaagsan si buu yiri looga adkaado Xagjiriinta Somaalia ee Al­shabaab.

Haddalka Joseph Kibet, ayaa imaanaya xili Taliyayaasha Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ay dhawaan dalbadeen ciidamo dheeri ah oo cadadkooda lagu sheegay 9,000 oo dheeri ah