Ciidanka Dowladda Somaliya oo ay la socdaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa toddobaadkii hore weerar ballaaran ku qaaday Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.
Labada ciidan, ayaa iska caabin xoogan kala kulmay mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo dib Degmadaasi ula wareegay 26-kii bishii hore ee October, markii ay isaga baxeen Ciidankii Militariga Itoobiya.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayaa waxay dib ugu laabteen Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo ay markii horeba ka soo ruqaansadeen.
General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in xeelad dagaal ay ciidamadu uga soo laabteen halkaasi.
Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow, Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde), ayaa sheegay in mintidiinta Al Shabaab ay Degmadaasi soo geliyeen 1,500 illaa 2,500 oo nin, si ay u difaacdan.
Foodcadde, ayaa tilmaamay in Shabaabku ay mid mihiim ah u arkaan Tiyeeglow, maadaama sida uu sheegay ay isu xirto gobolada dalka qaarkood.
Isu soo bax Axadii ka dhacay Degmada Tiyeeglow, ayaa waxaa dadka deegaanka goob fagaare ah kula hadlay Saraakiil Shabaabka ka tirsan, kuwaa oo u sheegay inay is dejiyaan, isla-markaana ay dib u celiyeen labadii ciidan ee soo weeraray.
Hoos ka Dhageyso Codka:-