Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la jabiyo Shuruucda u dagsan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Musharax walbo loogu baahan yahay in uu ilaaliyo shuruucda u dagsan doorashooyinka Aqalka isla markaana aan laga aqbali doonin in carqaladeysa doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Madaxweynaha ayaa Hogaamiyeyaasha Maamul goboleedyada Dalka ugu baaqay iney ilaaliyaan nidaamka doorashada, sidoo kalena ay ka taxadaraan in ay Cadaalad daro ku sameeyaan Muwaadiniinta u tartameysa ka mid noqoashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-