Ciidamada India oo xuduuda ku dilay 9 ruux oo Bas la socday

0

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyoodey todoba qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii Bas kuwa rakaabka ah oo laga leeyahay dalka Pakistan uu gaara xadka Kishmir, waxaana la aaminsan yahay in ciidamada ilaalada xadka Hindiya ay rasaas ku fureen baska.

Baska laga lee yahay Pakistan ayaa xadka gaaray kadib markii Hindiya ay sheegtey maalmo ka hor in xadka lagu diley saddex askeri oo ay dileen ciidamada Pakistan.

Xiriirka labada dal ee Nukliyeerka haysta ayaa sii xumaanayey muddooyinkii danbe, waxaana kor u kacay rabshadaha ka dhacaayey xadka.

Baska dadka badan lagu diley ayaa la sheegayaa in uu ahaa nooca rakaabka dadka rayidka ah, sida uu sheegay afhayeen u hadley Kishmir-Pakistan.

Waxaa adag in ay goobtaas gaaraan Aanbalaasyada gar-gaarka deg-dega ah.

Kishmiir ayaa u qaybsan laba qaybood oo ay kala maamulaan Hindiya iyo Pakistan tan iyo sanadkii 1947.