Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay dib u hirgelineyso goobihii waxbarashada Soomaaliya ee ay gacanta ku heysay markii hore.
Iskuuladaii waxbarsho ee ay Dowladda Masar gacanta ku heysay ayaa waxa ay isugu jireen kuwo ka dhisan Magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo ku yaalla Gobolada Dalka.
Dowladda Masar ayaa 25 sano kadib waxa ay ka howlgali doontaa Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada, waxaana hada waxbarashada ay si toos ah uga bilaabi doontaa Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15-ka May.
15 xubnood oo ka socda Dowladda Masar, kuwaas oo isugu jira Macalimiin iyo Mamulayaal ayaa waxa ay ka howlgali doonaan Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15-ka May.
Safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay Dadka Soomaaliyeed in ay yihiin dadkooda, sidoo kalena ay ka taageeri doonaan dhan walbo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-