بسم الله الرحمن الرحيم
قال تعالى
(وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا ۖ فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَىٰ فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّىٰ تَفِيءَ إِلَىٰ أَمْرِ اللَّهِ ۚ فَإِن فَاءَتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا ۖ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (9) إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ .)
صدق الله العظيم .
Golaha Nabada iyo Midnimada wuxuu soo dhawaynayaa Islamarkaana Tageerayaa Xabad joojinta ay wada gaareen labada Belood ee walaalaha ah.
Sidoo kale Goloha wuxuu ka tacsiyadeenayaa dhamaan inti ku Dhimatay Shaqaaqadii ka dhacday Degaanka Cabudwaaq waxaana Ilaahay ka Baryeenaa intii Ku Dhwacmantay caafimaad dagdag ah siiyo.
Waxaa Xusid Mudan in Dadka reer Cabudwaaq ay yihiin Dad walaalo ah oo wada Dhashay. Magalada Cabudwaaq Waxay Caan ku Tahay Nabadda iyo Isdhexgalka Bulshada soamaaliyeed .
Golaha Nabada iyo Midnimada wuxuu Soo jeedinayaa Qodabadaan Hoos Ku Qoran :
1:Golaha Wuxu ku Baqayaa in si Shuruud la, aan ah Loo Joojiyo Dilalka Micnala’nta ah ee ku soo Noqnoqday Magaalada Cabudwaaq.
2:Waa in Tanaazul Iyo is Cafis ay layimaadan Beelaha Dhibku kala Gaaray.
3: Waa in Si Wada Jir ah looga Shaqeeyo Sugida amniga Degaanka.
4: Golaha Nabada iyo Midnimada wuxuu ugu baaqayaa Qaybaha kala Duwan ee Bulshada inay ka Qayb qaatan Hawlaha Nabadaynta Iyo Hormarinta Degaanka.
5: Golaha wuxuu kaloo baaq udirayaa Jaaliyadaha Beasha Sade In ay ka Qayb-Qaatan geedi socodka Nabadaynta .
6:Golaha Nabada iyo Midnimada Wuxuu ku Baqayaa in La iskugu yimaado Shirwayne Nabaded Waqtiga ogu Haboon Dal Iyo Dibadba tasoo lagu lafagurayo Dhibatooyinka Ragaadiyay Degaanka.
ku daris.
5- Golaha Nabada iyo Midnimada wuxuu ugu baaqayaa sida Shuruud la’ aanta leh ee ay labadaan Beelood u qaateen Nabadda inay kuwa kalana u qaataan Nabadda.
8- Golaha Nabada iyo Midnimada sidoo kale wuxuu ku Talinayaa in Magaalada Caabudwaaq loo sameeyo sida wadajir ah GOLE GUURTI kaa soo laga wada qaybgalinayo Bulshooyinka dega Caabudwaaq iyo Nawaaxigeeda.
9-Golaha wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in wax waliba laga hormariyo Nabadda waayo Gunimo waa Guri Colaado taal, Gobanimana waa Guri Nabadu taal.
10- Golaha Nabada iyo Midnimada wuxuu kaloo ku talinayaa in Nabad iyo is-afgarad lagula wada noolaado dadyowga kale ee dariska la ah Waqooyiga Galgaduud.
SHEEKH MAXAMED GABOOBE.
GUDOOMIYAHA GOLAHA NABADA IYO MIDNIMADA.