Xildhibaan Max’uud Axmed Kulalihi oo ku haray tartankii doorashada ee shalay ayaa sheegay in Magaalada Garoowe uu ka socdo Musuq baahsan oo lagu hayo doorashada aqalka hoose.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan iyo C/Wali Gaas oo is og ay isaga iyo Cabdi Barre Yuusuf ka reebeen tartanka lacag bandanna ku bixiyeen in aysan soo laaban labadooda.
Kulalihi waxaa uu sheegay in doorashada ay dib u dhaceyso ilaa sanadka cusub islamarkaana ay taas caddeyn u tahay sida uu sheegay in dadka Beesha Caalamka loo yaqaan ee maamula dalka ay dib ugu laabanayaan Waddamadooda iyo Qoysaskooda si ay ula kulmaan maaddaama la galay Ciidda Kirismiska.
Xldhibaan Max’uud kulalihi ayaa sheegay in ay marka la gaaro January ay sidoo kale jirto Kirismiska Carruurta reer Galbeedka islamarkaana dhamaadka January ay soo laaban donaan Xubnaha beesha Caalamka ,sidaa darteedna aysan jiri doonin doorasho ka dhacda Waddanka.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in markasta la hakinayo doorashafa iyada oo la sheegayo in ay lacagta dhamaatay islamarkaana beesha caalamka looga qaadayo dhaqaale
HALKAAN KA DHAGEYSO