Mid ka mida kuraasta ugu adag Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo yaala Magaalada Cadaado ayaa noqday mid xaalad adag ku jira iyadoo la isku heysto qaabka loo dooranayo.
Kursigan oo ay leedahay jufada Gaabane ee Beesha Saleeban H/Gidir ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah: Caasha Xaaji Cilmi, Maxamed Siciid Abtidoon (Abtidoon Yare) iyo Macalin Mahdi.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wadata Abtidoon Yare, wuxuuna taageero ka heystaa maamulka Galmudug, waxaase ka horjeeda Ugaaska Beesha iyo Odayaasha kale oo ku doodaya in kursigan loo qoondeeyay Haween qura.
Dagaalka Doorashada ee ka dhex taagan Madaxtooyada Soomaaliya, Galmudug iyo Ugaaska Beesha Saleebaan ayaa gaaray beesha Caalamka, wuxuuna kursigan ka mid ahaa kuraas lagu sheegay qoraalkii Safaaradda Mareykanka.
Guddiga Doorashada ayaa isna la safan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug, iyagoo doonaya inuu kursigan kusoo baxo Abtidoon Yare
Madaxwayne C/kariin ayaa jawaabtii uu u diray safaaradda Maraykanka ku sheegay in kursigan ay Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ku fadhisay 16-sano, beeshuna aysan hadda isku raacsanayn go’aanka Ugaaska oo cabasho ay ka daba timid.
Abtidoon Yare ayaa la ogyahay inuu ahaa gacan-yaraha C/kariin Guuleed iyo ninka dhaqaalaha u hayay xilligii uu ahaa Wasiirka Amniga, waxaana Habaryar u ah Xaaska weyn ee Guuleed, waxaana socda ololeyaal dhinacyo badan ku jiraan oo kursigan ka dhigaya mid ka mida kuwa ugu adag Aqalka hoose ee Baaralamanka cusub.