Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku baaqay in la sameeyo qorsho cusub oo looga hortagayo qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya in ay qaadaan tilaabooyin looga hortagayo Qaraxyada.
Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in la iska dhaafo khilaafaadka kale ee ku aadan dhanka Dowladda Soomaaliya ,islamarkaana laga shiro sidii loo badbaadin lahaa nafta umada Soomaaliyeed.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale xustay in ay tahay wax laga xumaado in Qaraxyo maalin walba ay ku dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
HALKAAN KA DHAGEYSO