DHAGEYSO:- Kenya oo soo saartay digniin cusub oo ku aadan Al-Shabaab

0

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa ka digay weeraro ay geystaan Al-Shabaab oo ka dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo sidoo kale Magaalooyinka dalka Kenya.

Joseph Boinnet taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ay ku qaadaan degaanada  Hida iyo Dambala ee dalka Kenya , islamarkaana ciidanka dowladda Kenya ee halkaasi jooga looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan weeraro ka yimaada Xarakada Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalooyinka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah madaam ay suurta gal tahay in Xarakada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Waxaa uu sheegay Joseph Boinnet in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii dowladda Kenya boqolaal ka mid ah Askarteeda ay soo dhoobtay Xadka ay  wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidankeeda ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-