DHAGEYSO WARBIXIN:- Waqtigii loo balamay Doorashada Madaxweynaha oo maanta ku began iyo dib u dhac aan la shaacin oo ku yimid

0

Maanta oo Arbaco ah waxa ay ku beegan tahay 30-ka Bisha November, xilligaasi oo ah markii loo balamay inay qabsoonto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, sida Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka horay ay u shaaciyeen.

Weli ma cadda xilliga rasmiga ah ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso, waxaana hubanti la’aan ay ka taagan tahay waqtiga Doorashada ay dhaceyso oo weli aanan si rasmi ah loo cadeynin.

Iyadoo dadka ay sugayeen sheekada ku saabsan Doorashada Madaxweynaha ee maanta loo madalsanaa, ayaa arinta waxa ay noqotay in Muqdisho lagu qabto Doorashada Beelaha Banaadiriga, halkii la sugaayay tii Madaxweynaha inay qabsoonto.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka oo markaan doonaya inuu iska fogeeyo masuuliyada dib u dhaca soo noq noqday ee ku yimid Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maalmo ka hor sheegay go’aanka waqtiga doorashada ay dhaceyso inay leeyihiin Xildhibaanada cusub ee la soo doortay.

Cumar Cabdulle Cumar Dhagey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa shaaca ka qaaday inaysan iyaga laheyn go’aanka ku aadan mudeynta waqtiga Doorashada ay dhaceyso, balse Xildhibaanada cusub iyo Guddiga arintaasi ay ka wada hadli doonaan.

Siyaasiyiinta xildoonka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa dhowr mar horay uga digay dib u dhac inuu ku yimaado waqtiga loo balamay Doorashada Soomaaliya.

23-kii Bishan waxa ay ku beegneyd xilligii loo asteeyay inay qabsoonto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, balse taasi ma aysan dhicin.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya oo Qiyaas ka bixiyay xilliga ay suuragalka tahay inay qabsoonto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay inay suuragal tahay 15-ka Bisha December.

Beesha caalamka oo 60% bixisay dhaqaalaha Doorashada ayaa si aad ah uga niyad jabtay Doorashada Soomaaliya, maadaama muddo dhowr mar ah dib u dhac kala duwan uu ku yimid Doorashada Somaliya.

Weli Gobolada dalka waxaa ka socda Doorashooyinka Aqalka hoose oo aanan weli la soo dhameystirin, taasi oo caqabad hor leh ku noqonaysa Doorashada.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Doorashada ay gaarto sanadka cusub, hadii xaalka sidaan uu ku sii socdo oo uusan imaanin isbedel cusub oo dhanka Doorashooyinka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-