Doorashadii ka socotay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamul Goboleed Hirshabelle ayaa Maanta la joojiyay Gabi ahaanba,waxaana Amarkaas bixiyay Guddiga Doorashooyinka dadban ee Heer Federaal.
Sargaal ka tirsan Guddiga Doorashada dadban ee Maamulka Hirshabelle ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu Amray in la joojiyo Doorashada Aqalka Hoose,waxaana uu xusay in Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal ay soo amreen.
Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in Sababta loo joojiyay ay ka dambeysay Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Maamulka Hirshabelle.
Illaa hadda lama sheegin Xilliga la fasaxi doono Dorashada Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo Maanta la joojiyay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-