Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo ka soo jeeda dhinaca Galmudug ayaa sheegay in ay socdaan Saan-Saan colaadeed, isagoo sheegay in ay labada dhinac ee Puntland & Galmudug dagaalameen saacadihii ugu dambeeyey.
Alloore ayaa sheegay in ay jiraan xiisado colaadeed oo ay dhinacyada abaabulayaan, ayna jiraan xiisado meelo badan laga abaabulay.
Cali wuxuu sheegay in xabaddu aysan istaagin tan iyo markii la heshiiyey, isagoo sheegay in la weeraray goobo ay deganayeen ciidamada Galmudug.
Nabadoonkan ayaa beeniyey in ay jiraan ciidamo ka socda dawladda Faderaalka oo kusugan magaalada Gaalkacyo, isagoo aan soo qaadin diidmada Galmudug ee baabuurta xamuulka ah u diiday gudaha Suuqa Gaalkacyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO