Xilli la soo xulay inta badan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay Madaxtooyadu bilowday inay xiriiro la samayso Xildhibaanada aan feker ahaanta taabacsanayn xerta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey), Gudoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, ayaa sheegay illaa iyo hadda in la soo doortay 192 Xildhibaan, oo ka noqonaya 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose.
Xildhibaanada Aqalka Hoose ee illaa iyo hadda la doortay, ayaa waxay isugu jiraan Xildhibaano ku yimid rabitaanka xerta Madaxweynaha Somaliya iyo kuwo kaloo taabacsan Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood.
Kooxda Dam Jadiid oo ka arrimisa Villa Somalia, ayaa diiwaan-gelisay magacyada xubnaha la doortay, iyadoona calaamadeysatay magacyada Xildhibaanada aan ku mowqifka ahayn.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Dam Jadiid ay baadigoob ugu jirto teleefanada laga heli karo Xildhibaanadaasi, si ay u soo xero-geliso
Sarkaal Madaxtooyada Magaalada Muqdisho ka tirsan, ayaa sheegay in Dam Jadiid, ay ka go’an tahay in markale uu soo noqdo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa loo adeegsan Saxaafadda, ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxda Dam Jadiid, ay hayaan dhaqaalo in ku filan oo doorashada madaxtinimada, uu ugu soo bixi karo Madaxweyne Xasan.
Inkastoo Sarkaalkan aanu ku feker ahayn Dam Jadiid, ayaa waxaa uu hadana leeyahay “Shaki iigama jiro in Xasan Sheekh Maxamuud markale la soo dooran doono.”
Villa Somalia, ayaa niyad jebisay musharaxiinta u sharaxan Jakada madaxtinimada ee dalka, sababo ku aadan, iyadoo dhaqaalo lixaad lihi ku bixinaysa doorashooyinka Xildhibaanada.
Kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa gaaray qiimihii ugu sareeyay ee ebid, sida ay kuu sheegayan dadka odoroso siyaasadda wadanka.
Si kastaba ha-ahaatee inta badan Xildhibaanadan, ayaa lagu soo kala doortay Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Cadaado iyo Garoowe.