Dadka Shacabka ah ee ku nool Xaafada Garsoor ee Magalada Gaalkacyo ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Biyo la’aan ka jirta Xaafadahooda.
Dadka ayaa sidoo kale waxa ay ka cabanayaan xaalad nolol adag ah oo dhanka biyo la’aanta ah.
Qaar ka mid ah dadkaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in saameyn ay ku yeesheen dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Waxa ay Madaxda Puntland ugu baaqeen in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan isla markaana ay dhibaateysan yihiin.
Hoos ka Dhageyso Codka:-