Iyadoo shalay ay kulan ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo Guddiyada Nabadda Magaalada Gaalkacyo , ayaa qodobadii looga hadlay kulankaasi waxaa ka mid ahaa in maanta la furo isku socodka dadweynaha Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale in laga shaqeeyo in Magaalada lagu soo celiyo dadka ku sugan duleedyada Magaalada , kuwaa soo ka baqdin ka qaba hadii ay kusoo laabtaan Magaalada in ay ka dhacaan dagaalo ,madaam dhowr jeer oo heshiis la gaaray dagaalo ay ka dhaceen Gaalkacyo waxyeelana ay kasoo gaartay dadka shacabka ah.
Gudoomiyeyaasha gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo galmudug ayaa saakay lagu waddaa in ay Magaalada Gaalkacyo ay ka bilaabaan isku Socod dadweyne oo ah labada dhinac .
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la gaaray go’aamo ay ka mid yihiin in laga shaqeeyo sidii bulshada kunool Gaalkacyo ay isku dhexgali lahaayeen.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool Gaalkacyo ay tashanayaan ,islamarkaana ka shaqeynayaan sidii dadka kunool Gaalkacyo ay u heli lahaayeen Nabad buuxda.
Waxaa uu sidoo kale xusay in ay Wacyigelin ay u sameyn doonaan Bulshada kunool Magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-