Mareykanka Oo Uga Digay Muwaadiniintiisa Inay U Safraan Kenya Iyo Kenya Oo Jawaab Ka Bixisay.

0

Interior-Cabinet-Secretary-Joseph-ole-LenkuNairobi (AGGM): Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha dalka kenya Joseph Ole Lenku oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay warka ka soo yeeray wasaarrada arrimaha dibada dalka Mareykanka oo muwaadiniinta u dhashay dalkaas uga digtay in ay u safraan dalka kenya.

“Waxay ahayd in ay nagu caawiyaan wax kasta oo gacan ka geysan kara inaan ka guuleysano argagixisada islamarkaana ay qadariyaan baroorta shacabka reer Kenya.” ayuu yiri wasiirka

Joseph Ole Linku ayaa aad u cambaareeyay digniinta Mareykanka xilliga lagu soo beegay, isagoo xusay inay tahay mid u daneyneysa kooxaha argagixisada ayna dhaawaceyso dhaqaalaha Kenya ee ku dhisan dalxiiska dadka caddaanka ah.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u digtay muwaadiniinteeda shaqooyinka u socda iyo dalxiisayaasha Mareykanka ee raba inay aadaan Kenya inay ka baaqsadaan ayna aad uga taxadaraan amaankooda.

Weerarkii todobaad hore ka dhacay dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab, waxaa uu idhaha beesha calaamka ku soo jeediyay dalka Kenya, waxaana jira dowladdo badan oo ka cabsi qabo khataro kale oo dhinaca ammniga ah oo ka soo fool leh dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com