Ciidamada Kiiniya Oo Ku Gacan-Sayrey Maleeshiyaadka Raaskambooni & Cabsi Soo Wajahday

0

31110_trnsFeaturedKismaayo(AGGM) Saraakisha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo qaylo dhaan u dirsaday Ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay ku gacan sayreen ka dib markii ay ka dalbadeen in laga caawiyo dagaalka ay kula jiraan ciidamada Maamulka Jubbaland ee uu hogaminayo Col Bare Aadan Shire.

Sarkaalka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Hogaanka Ciidamada Kiiniya ayaa la sheegay inuu arrintaasi ka biyo diiday isla markaasna uu shaaciyey inaysan ciidamadoodu kala dhex gali karin ciidamada dawlada Soomaliya iyo kuwa maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana uu ku eedeyey Maleeshiyaadka Raaskambooni inay iyagu weerar qaadeen isla markaasna tageen nawaaxiga Tuuladda Goobweyn.

Saraakisha codsiga u dirsaday Ciidamada Kiiniya ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Afhayeenka Maamulka Raaskambooni  Cabdinaasir Seerar Maax & Ku xigeenka Axmed Madoobe Cabdulaahi Shiikh Ismaaci Fartaag,waxaana la sheegayaa inay kala kulmeen diidmo qayaxan,waxana Sarkaalka Maamulka Ciidamada Kiiniya sheegay inaysan ciidamada dawlada soomaaliyeed iyo kuwa Raaskambooni kala dhex gali karin.

Maleeshiyaadka Raaskambooni oo hadda ku aruursan Gudaha Iyo afafka hore ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay soo food saartey xaalad cabsiyeed maadama lagu soo jabiyey dagaaladii maanta ka dhacay Tuulada Goobweyn isla markaasna laysugu keenay gudaha Iyo banaanka Magaalada Kismaayo oo hada laysku horfadhiyo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ah iyo Abaandulaha ciidamada xooga dalka Soomaliya ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo gaar ahaan garoonka diyaaaradaha isla markaasna kulamo muhiim ah la leeyihiin Saraakisha ciidamada Amisom ee ka kala socda Siraliyoon iyo Kiiniya kana wada hadalayaan sidii xaalada loo dejin lahaa.

Ugu dambeyntii maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay cawaaqib xumo xun iyo fadeexad kala kulmeen ka dib markii ay weerar daandaansi ah ku qaadeen Goobweyn oo ay ku sugan yihiin in ka badan 2 kun oo ciidamada Col Bare Hiiraale ah,waxaana la sheegaya inay hadda kulaalayaan Magaalada Kismaayo lagana cabsi qabo inay Maalinimadda beri ah gacanta magaaladu u gasho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com