Faalo: Xukuumada Saacid Iyo Sanad Kadib.

0

02Xukuumada uu madaxda kayahay Ras’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shire -doon (Saacid) ayaa sanad jirsatay kadib markii xilkaas loo magacaabay.

hadaba maxay qabatay Dowlada Saacid sanad kadib? maxayse wali aysan qaban maqaalkan ayaan rabaa inaan ku soo bandhigo waxii uu qabtay Mr Saacid intii ay jirtay xukuumadiisa.

Arimaha Nabad-galyada 

Xukuumada Saacid waxay wax badan ka qabatay arimaha amaanka Dalka,waxayna xooga saartay in la wiiqo awoodii shabaab,iyadoo adeegsanaysa qaabab badan oo ka mid yihiin awood malatari,mid nabadsugid,wacyigalinta dhalinyarada la duufsaday ,hagaajinta xiriirka bulshada lakala qoqobay,heshiisiinta beelo is dagaalsanaa iyo kor u qaadida awooda iyo tabarka Ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare saacid waxay xukuumadiisa ku guulaysatay in Ciidamada Xooga lagu tababaro Gudaha wadanka halkii awal loo qaadi jiray Banaanka,tasoo kordhisay in dhaqaalihii dibada ku baxayay gudaha wadanka uu galo

Saaciid waxuu noqday Ra’iisulwasaraha kaliya ee jidadka Muqdisho xili habiina ku lugeeyay ee soo xaalad waraystay dadka deegaanka oo aan waligood arag madaxdooda oo maqaayadaha iyo meelaha bulshada soo dhax fariisanaya, waana wax uu baray madaxda qaranka.

Amaanka Caasimada ayay xukuumadu wax ka qabatay waxayna dowladu gacanta kuwada dhigtay dhamaan amaanka Caasimada,iyadoo mar walba fashilisa falal amaan daro oo ay maleegaan alshabaab.

Dadka ka faalooda Amniga waxay sheegaan in Ciidamad Dowlada ay amaanka wax badan ka qabteen balse Ciidmada kale ee AMISOM oo lacagta badan ku qaata amaanka wadanka aysan waxaba qabanin oo booskoodii uu maranyahay tasoo la sheegay inaysan dhaafin meelo cayiman oo aysan wax badan ka qabanin amaankii loo xilsaaray.

Arimaha Dhaqaalaha Dalka.

Ra’iisulwasaaraha waxuu xooga saaray inuu soo kiciyo dhaqaalaha wadanka isagoo u maraya wadooyin badan oo wadnka gudihiisa iyo dabadiisa dhaqaalo looga helikaro,waxanaa ka mida.

Hagaajinta ilaha dhaqaalaha,iyadoo meelaha dhaqaalaha dowlada ka soo galaan loo yeelay qaab xisaabtan fiican si loo ilaaliyo dhaqaalaha wadanka,waxaana sidoo kale ay dowlada hirgalisay markii ugu horeysay bankigii dhexe ee Soomaaliya.

Dowlada Saacid waxay meel marsiisay inuu shaqeeyo bankigi dhexe shaqaalaha dowladana ay ka qaataan mushaarkood,islamarkaana qarashka dowlada soo gala uu toos ugu dhaco bankiga dhexe oo aan meel kale la marsiin.

Waxuu kaloo Saacid hergaliyay in Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay si joogta ah u qaatan Mushaarkooda,isla markaana uusan marna uusan kala go ku imaan mushaarka ciidamada taasoo ay soo dhaweeyen ciidamada iyo waliba dadweynaha.

Waxaa kaloo si joogta ah mushaar u qaata xildhibaanada Baarlamaanka iyo wilaba dhamaan shaqaalaha Dowlada taasoo saacid ka dhigtay inuu yahay masuul dhexda u xirtay in aan mushaar loo weyn shaqaalaha iyo madaxda dowlada Soomaaliya.

Xukuumada Saacid waxay abuurtay shaqo iyo qaab wanaagsan u samaysay in dhalinyarada loo helo shaqooyin kuwasoo xakumada ay udiyaarisay barnaamij ku saabsan sidii wadanka loo maalgalin lahaa si dhalinyaradu ay shaqo u heli lahaayeen,waxayna Dowlada ay heshiisyo maal gashi ah la gashay shirkado iyo waliba dowlada si wadanku uu u yeesho dhaqaalo iyo shaqo waafi ah.

Arimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka

Xukuumada Saacid waxay noqotay xukuumadii ugu horaysay ee si toos ah wax uga qabata waxbarashada,waxayan dib u furtay xarumihii waxbarashada waxay isku duba riday macalimiinti wax barashada,iyadoo markii ugu horaysay qortay kun macalin mushaarkooda la siiyo hada.

Xukuumada Saacid ayaa sidoo kale 1 milyan oo araday ah u samaysay waxbarasho rasmi ah,waana markii ugu horaysya ee Soomaaliya araday intaas la egay waxbarasho ay helaan,waxaana arinkaas cadeyay oo afkiisa ka sheegay Madaxweyne Xasan Shiikh markii uu Soomaalida kula hadlayay Magaalada Brussels”xitaa xukuumadii Maxamed siyaad waxbarsho intaas dhan ma sameyn” ayuu yiri xasan Shiikh.

Sidoo kale waxay qabatay shirweyne ku saabsan waxbarashada,iyadoo xukuumadu ay diyaarisay Manhaj waxbarasho kaasoo tan iyo burburkii soomaaliya aan lasameyn,waana tilaabo hormar ah oo dhinaca waxbarshada.

Dolwadu sidoo kale waxay hagaajisay daryeelka caafimaadka waxay dib u dhisatay isbitaaladii caafimaadka,kuwasoo ay ka mid yihiin isbitaalkii dikfeer,kan xooga dalka.martiini iyo kuwa kale oo badan.

Arimaha Bulshada iyo Saxaafada.

Xukuumada uu hogaamiye Raíisulwasaare Saacid waxay ku guulaysatay in ay xiriir fiican la sameyso bulshada,waxay qabatay shirar badan oo uu si gooni gooni ah uu Saacid ula yeelshay qeybaha bulshada Sida Odayaasha Dhaqanka,Haweenka,ganacsatada, dhalinyarada,siyaasiyiinta iyo saxaafada,isagoo intaba kala hadalay hormarka wadanka.

Saacid waa Raíisulwasarihii ugu horeeyay ee xoriyada saxaafada si buxda u dhaqangaliyay,waxuuna balan qaaday lacag dhan 50000 kun oo doolar qofkii soo qabta gacan ku dhiiglayaasha ugaarsada Wariyaaysha waxaana arikaan soo dhaweeyay saxaafda gudaha iyo tan dibada,isagoo sidoo kale xukuumadiisa ay soo gudbisay sharciga saxaafada oo ah mid ay u riyaaqeen saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Xukuumada Saacid waxay samaysay gudi ilaaliya xaquuqda Aadanaha iyo waliba ciidamada ka hortaga falalka kufsiga,isagoo qodbadii uu ka jeediyay Magaalada Ganeva ku sheegay in Dowladiisa ay u taagantahay dhowrista xaquuqda Aadanaha.

Raíisulwasaare Saacid ayaa ah shaqsi ay si aad ah bulshadiisu u jeceshahay,waxaana marqaati ah sida loogu soo dhaweey garoonka magaalada Muqdisho Markii uu ka soo laabtay safardii uu ku tagay Swizerland iyo Turkiga,waxaana soo dhaweeyay oo garoonka ku sugayay qeybaha Bulshada oo dhan,iyadoo bulshada gobolka Banaadir ay muujiyeen taageerada ay u hayaan Xukuumada Saacid.

Mr Saacid waxuu kaloo soo dhaweeyay Bulshada ku dhaqan gobolada Soomaaliya markii uu ku tagay safaro kala duwan,dadka degan Goboladaas ayaa saacid ku tilmaamay Raíisulwasaare jecel dadkiis oo soo booqday.

Saacid ayaa tagay magaalooyinka,Kismaayo,Garbahaarey, Marka, Afgooye, Baydhabo,Jowhar,Balacad,Baladweyne,Dhuusamareeb,Cabudwaaq,Cadaado,Garowe iyo Gaalkacyo kuwasoo kakala Tirsan Gobolada Jubada Hoose,shabeelaha hoose,Bay,Gedo,Shabeelaha Dhexe,Hiiraan,Galgaduud,Mudug iyo Nugaal waxuuna ku mutaystay taageero badan kadib markii Bulsho kasto uu ku soo booqday Deegaankooda,iyagoo u muujiyay taageero Buuxda.

Arimaha Siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah.

Xukuumada Saacid waa xukumadii ugu horaysay ee si rasmi ah aduunku uu aqoonsaday,waxay taageero caalami ah ka heshay dhamaan caalamka,waxaa xukumadan aqoonsaday si rasmi ah Dalalka aduunka ugu waaweyn oo Soomaaliya horay uga jeestay.

Maraykanka,ingiriiska,yurup oo aan horay looga baran inay dowladihii Soomaaliya soomaray burburka ay aqoonsi heer caalami ah siiyaan ayaa hada xakuumada Saacid u furay baal cusub , waana karti iyo aqoon ay la timid xukuumadaSaacid.

waxaa Soomaaliya loo qabtay Shirar caalami ah taaso ay xukuumada Saacid wax ka diyaarisay waxaana ka mida Shirkii london,waxaa ka mida kii Stanbuul,kii new Deal ee ka dhacay Brussels iyo waliba shirar kala duwan oo heer caalami ah,iyadoo shirkii u danbeeyay uu ka qeybgalay Saacid kaasoo ka dhacay Ganeva,isagoo bulshada caalmaka ka qanciyay dareenkii ku saabsanaa ku xadgudubka Xaquuqda aadanaha.

Siyaasada Dibada Xukumadan waxay ka gaartay heer aan wali soomaaliya ka gaarin 22 sano ee u danbasay waayo Dowlada Soomaaliya hada waxaa loola dhaqmaa si heer caalami ah, waxayna gashaa heshiisyo dowli ah oo rasmi ah,waxay xukuumadu sidoo kale ku guulaysatay in dalalka Gobolka ee Dariska la ah Soomaaliya ay la yeelato xirir fiican kasoo maanta maraya meel wanagsan oo ka duwan sidii hore.
 
Xirirka Dowlada Soomaaliya ee la leedahay wadamada la yiraahdo kuwa siyaasadooda dhexdhexaadka tahay ayaa aah mid fiican,waxayna xukuumadaan nooqtay mid si waafi ah ugu guulaysatay xiriirka caalamigiah.

Arimaha Sharciyada

Xukuumada Ra’iisulwasaare Saacid waxay ku guulaysatay inay Soo diyaariso sharciyo badan kuwasoo dhamaan ay baas gareeyeen Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ka mida miisaaniyada Dowlada,sahrciga garsoorka,sharciga aminga iyo ladagaalanka argagixisada,iyo kuwa kale oo badan.

maxuu Saacid uga duwanyahay Ra’iisulwadaarayshii Soomaray Dalka xiligii burburka?

Saacid waa Raa”isulwasaare ka duwan kuwii hore,waxuuna uga dawunyahay qodabadan soo socda.

* Waa Ra’iisulwasaare ay ka go’antahay inuu umada u horseeda nabad iyo dib u heshiisin.

* Waa shaqsi aan ogoleyn khilaaf iyo is qabqabsi dhexmara madaxda Dowlada waana ninka kaliya ee sanad dhamaysta isagoon khilaaf soo kala dhexgalin madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

* Waa Ra”isulwasaaraha Kaliya ee dhamaan tagay Gobolada Soomaaliya marka laga reebo Soomaaliland oo madaxbanaani doonaysa.

* Waa Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyay ee aan laga maqal hadalo ama ereyo xanaf leh oo ku saleysan cadifad ama qabyaalad waana nin isku wadi kara Soomaliweyn.

* Waa Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyay ee golihiisa wasiirada ay si joogta ah u shaqeeyen waxaana la ogsoonyahay in khamiis kasta ay yeeshaan kulan ay umada ka warsugto waxa ka soo baxa.

* Waa Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyey ee jabiyay ama diiday 4.5 waxuna dhisay xakuumad ay awooda ugu badan leeyihin .5-ka dadka lagu sheego in laga tirada badanyahay,waxaana ka marqaati ah wasaradaha uu u dhibay sida wasaarada Waxbarshada,dhalinyarada caafimaadka,sportiga, Haweenka,iyo wasaarada Howlaha guud,mana jiro Ra’isulwasaare arinkaas ku dhaca oo samayeey,waana mida dadbadan ay ku aamineyn in saacid uusan jacleyn qabiil iyo sadbursi.

* Waxuu kaloo sameeyay saacid oo aysan sameyn ragii ka horeeyya in haweenka uu siiyay kaalintii ugu fiicneyd oo waligeed aan soo marin Soomaaliya iyo waliba wadamada la dariska ah.

* Wasaarada iskaashiga iyo arimaha Dibada iyo waliba kuxigeen Ra’iisulwasaare ayuu haweney u magacaabay.waxuu kaloo wasaarada badanu dhiibay hal haweeen,waxuu bankiga dhexe u magacaabay haween intaas Ra”sulwasaare sameeyay ma jiro,waana arinta u sababta ah in dowlada Soomaaliya heer caalami ah loo aqoonsado inta ay ka gaareen dimuqoraadiyada.

* Waxuu uga duwanyahay oo kale inuu yahay nin wadani ah oo jecel inuu wadanka gudihiisa waxka qabto oo usan waqti iyo qarash ku lumin safaro dibada ah,waxuuna sameeyay in xitaa wasiirada iyo madaxda kale ee dowlada la yareeyo inaan iska safraan sidii kuwii hore oo kale.

Hada Saacid waxaa la dhihi karaa waa Raíisulwasaare mudan in lagu garab galo shaqadiisa in kastoo qofkii wax qabta Soomaalida ay dacaayad iyo cayba ay la daba joogaan balse waxaan anigu dhihi lahaa hadii shaqada saacid ay sii socota Soomaalia Godka waa ka baxaysaa.

Maqaalkaan aan ku eegayay waxqabadka Xakuumada waxaan ku soo koobayaa Saacid waxuu mudanyahay in garab la siiyo,waxaan kaloo ku talinlahaa madaxda Dowlada inay iska ilaaliyaan khilaaf iyo in hadba la badalo Raíisulwasaare,waxaan filayaa in qof labadalaa aan horay u soo tijaabinay,Madaxweyne Xasan Shiikhow iska ilaali fekradaha qaar ee lagu maja xaabinayo Dowlada.

W/Q: B.G. Ahmed
bilebeeri@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com