Galkacayo(AGGM)Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland Marti gelinta Kooxo falal ammaan darri ka geysta deegaanada Maamulka Galmudug.Maamulka Galmudug waxaa uu daboolka ka qaaday in falalka amaan darro ee ka dhaca degaanada Galmudug ay masuul ka yihiin Maamulka Puntland ee deriska la ahi.
Iyadoo dhawaan ay ka dheceen deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug dilal inta badan loo geystay dad rayid ah iyo qaar ka tirsan Culumaa’udiinka Gobolka Mudug ayaa hadana arrimahaasi waxaa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug. Masuuliyiinta Maamulka Galmudug waxay sheegeen inaan loo dul qaadan karin falalka amaan darro ee laga soo maleegayo degaanada Puntland.
Masuuliyiintaan ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka dhibaatooyinka ka geysta deegaanada Galmudug ay u baxsadaan Deegaanada Puntland islamarkaana ay Magan gelyo iyo marti qaad ay ka heleen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland . Waxaaana ay sheegeen in xaaladu faraha ka bixi doonto hadii aysan Puntland Jawaab deg deg ah ka bixin arrimahaasi
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Galmudug Axmed Shire oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ka howl gasha Koofurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Kooxaha dhibaatooyinka ka geysta Galmudug ay soo dhaweyn ka helaan Puntland.Magaalada Gaalkacyo oo ay ka kala arrimiyaan Puntland iyo Galmudug aya dhawaanahaan waxaa ka dhacayay dilal iyo dhibaatooyin amni xumi.
Ugu dambeyntii Maamulka Galmudug waxaa uu shaaciyey inuusan gacmaha ka laaban doonin isla markaasna ay gacan ula tagayaan meel kasta oo ay ku tuhmayaan inay ku jiraan ama lagu qarinayo kooxaha dhibaatada ka geysta degaanada Galmudug,waxaana ay sheegeen inay taasi keenayso in dagaalo dhexmaraan labada dhinac.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com