Muqdisho(AGGM) Raisalwasaaraha umadda Soomaaliyeed Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ay shalay ku beegneyd Mudo sanad ah ee uu xilka hayey ayaa ka warbixiyey waxqabadkiisi intuu xilkaasi hayey,waxaana uu shaaca ka qaaday inuu xilkaasi u qabtey umadda soomaaliyeed oo xilligan u baahan waxqabad muuqata isla markaasna dhibaatada laga saaro.
Mudane Saacid waxaa uu sheegay in muddo hal sano ka dib ah ay isaga iyo xukumadiisu wax badan ka qabteen dhibaatada ka taagan dalka soomaaliya,waxaana uu shaaciyey inuu haddana sii wadi doono hawlgaladda horumarka iyo wax u qabadka Shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan,waxaana uu shaaciyey in xukumadiisu wax la taaban karro ay ka qabteen baahiyaha ka taagan soomaaliya isla markaasna ay hada sii wadi doonaan waxqabadkooda.
Halkan ka dhageyso Khubadaasi Oo Dhameystiran
[ca_audio url=”http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/10/Wax-qabadka-Xukuumada-Soomaaliya.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com