Oslo (AGGM): Sirdoonka dalka Norway ayaa baaraya in ruux Soomaali ah oo dhalashada dalkaasi heystaahi in uu ku lug lahaa weerarkii bishii ina dhaaftay lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.
Laanta sirdoonka Norway ee magaceeda loo soo gaabiyo PST ayaa shaacisay in ay qaar ka mida ciidamadeeda u dirtay magaalada Nairobi si loo xaqiijiyo sheegashadaasi.
Hay’adu waxa ay sheegtay in ay fureyso baaritaano lagu hubinayo in ruux muwaadiniiinta Norway ka mida uu ku lug lahaa weerarkii Nairobi.
“Warsadku waxa uu tiigsan doonaa ka hortaga ka qeybqaadashada hawlaha argegixisada,waxaana lagu eegi doonaa in weerarkii Nairobi ay norwegian ku lug lahaayeen”. ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay PST.
Laanta Sirdoonka Norway ayaa sidoo kale eegeysa in khatari uga soo wejehan tahay dalkooda argegixisadii ku lugta laheyd weerarkii Nairobi.
Warbaahinta dalka Norway ayaa todobaadkii hore baahisay in Cabdiqadir Ikrima oo lagu eedeeyay in uu abaabulay weerarkii september 21keedii lagu qaaday Westgate Mall in uu dalka Norway iska dhiibay balse uu dib uga dhoofay sanadii 2008dii tiyoon goaan laga gaarin dalabkiisii megengelyo doonka.
Dawlada dalka Norway ayaan xogtaas wax faahfaahina ka bixin.
Dawlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay afar sawirada iyo magacyada dagaalyahano ay sheegtay in ay qaadeen weerarka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com