Muqdisho (AGGM): Wafdi ka socda IGAD iyo Midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubada Hoose, xilli Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay dhowaan qaadaceen shirka dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan wafdigan ayaa ka kala ambabaxaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii u dambeeyay wafdigan laga sugayay Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda IGAD ay kala hadlayaan horjoogaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe waxa ka qabsoomay heshiiskii Addis Ababa, iyadoo lagu wado inay kala hadlaan khilaafka soo kala dhex galay Maleeshiyada Raaskambooni iyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wafdiga IGAD ayaa ku qancinaya Maamulka Jubba inuu ka qeyb galo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho, kaasoo lagu wado in 21-ka bishan uu dhaco, kadib markii Xukuumada ay horay dib u dhigtay.
Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in horjooge Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu ku dhawaaqo maamul aan loo dhameeyn.
Wararka ayaa intaa ku darayaan in kooxo kala duwan oo u ololeya fidnada ay ku qul qulayaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo ah siyaasiyiin horay xilal uga soo qabatay dowladihii hore, waxaa maalmo ka hor gaaray Kismaayo Cumar Cabdirashiid, iyadoo lagu wado inuu dhowaan gaaro xubno uu ka mid yahay Cali Maxamed Geeddi.
Khilaafka cusub ee soo kala dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyada Raaskambooni ayaa mar kale caqabad ku ah dadaalka dib u heshiisiinta ee ay horboodayeen dowladaha Gobolka ee ku aadanaa xal u helida xaaladaha murugsan ee Jubooyinka, iyadoo uu fashil qarka u saarsan yahay heshiiskii Addis Ababa lagu soo saxiixay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com